Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Kooxaha isku guruubka noqon kara, xilliga la sameyn doono isku aadka guruubyada iyo xilliyada la ciyaari doono, dheriyada & Wax walba oo aad uga baahan tahay tartanka Champions League

$
0
0

(Yurub) 11 Agoosto 2021. Waxaa haatan soconaya kulammado is reeb-reeb ah oo ay qaar ka mid ah kooxaha Yurub ciyaarayaan si ay ugu soo baxaan tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan 2021/22, balse waxaa haatan hubanti in inta badan kooxaha waaweyn ay xaqiijiyeen ka qayb galkooda iyo dheriga ay kaga jiraan isku aadka wareegga guruubyada.

Tartanka horyaallada Yurub waxaa xilli ciyaareedkan ka qayb galaya illaa shan naadi oo ka wada ciyaara horyaalka La Liga ee dalka Spain waxaana u wacan in naadiga Villarreal ay hanatay tartanka Europa League sidaasna ay u raacday afartii naadi ee kaalmaha horyaalka ku kasbaday kasoo qayb galka Champions League kuwaasoo kala ah Atletico Madrid, Real Madrid, Barcelona iyo Sevilla.

Kooxaha xaqiijiyay kasoo qayb galka

Dheriga 1-aad : Chelsea, Villarreal, Manchester City, Atletico Madrid, Bayern Munich, Inter Milan, Lille, Sporting Clube de Portugal.

Dheriga 2-aad : Real Madrid, Barcelona, ​​Sevilla, Juventus, Paris Saint-Germain, Liverpool, Manchester United, Borussia Dortmund.

Dheriga 3-aad: Ajax, Leipzig, Atalanta, FC Porto, Zenit.

Kuwa macquul ah inay Dheriga 3-aad galaan : ( waxay ku xiran yihiin kala horreynta heerka kooxaha UEFA kuwaasoo kasoo gudba is reeb-reebka haatan soconaya): Besiktas, Dynamo Kiev, Club Brugge.

Dheriga 4-aad: AC Milan, Wolfsburg.

Tani waxay ka dhigan tahay in weli lix boos ay harsan yihiin isla markaasna ay soo buuxin doonaan afar naadi oo waddada horyaalnimada ku imaanaya iyo labo ku imaanaya kaalmaha ay ka galeen horyaalladooda hoose.

Iyadoo qoraalkan ay MARCA sameysay 10-ka Agoosto, kooxahan ayaa wali u tartammaya boosaska haray.

Champions Path : Dinamo Zagreb, Legia Warsaw, Cluj, Young Boys, Olympiacos, Ludogorets, Sheriff Tiraspol, Malmo, Rangers iyo Ferencvaros oo laga rabo inay afar naadi kasoo baxaan

League Path : PSV, Spartak Moscow, SL Benfica, Shakhtar Donetsk iyo Monaco oo laga sugayo labo naadi.

Taariikhaha muhiimka ah

Bug-baxa : August 17-18 iyo August 24-25

Isku aadka wareegga guruubyada : August 26

Ciyaaraha wareegga guruubyada

Kulmmada 1-aad:  – September 14-15

Kulmmada 2-aad: – September 28-29

Kulmmada 3-aad: – October 19-20

Kulmmada 4-aad: – November 2-3

Kulmmada 5-aad: – November 23-24

Kulmmada 6-aad: – December 7-8

Wareegga 16-ka

Lugaha koowaad – February 15-16 and 22-23

Lugaha labaad – March 8-9 and 15-16

Wareegga siddeed-dhammaadka

Lugaha koowaad – April 5-6

Lugaha labaad – April 12-13

wareegga afar-dhammaadka

Lugaha koowaad – April 26-27

Lugaha labaad – May 3-4

Fiinaalka

May 28, 2022 (Saint Petersburg)

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles