(Paris) 11 Agoosto 2021. Xafiiltanka garoommada ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa wali soo soconaya wax ka badan 10 sano sano iyadoo labadan xiddig ay wali awood ku heystaan kubadda cagta qaaradda Yurub.
Se waxaa jira xiddigo tiro kooban oo nasiib u yeeshay inay ka garab ciyaaraan labadan laacib oo ay ugu dambeeyaan xiddigaha ay Barcelona iyo Juventus is weydaarsadeen ee Arthur Melo iyo Miralem Pjanic.
Haatanna waxaa qarka u saaran inuu labada xiddig garoon la wadaago difaaca Paris Saint-Germain ee Sergio Ramos kaasoo waayihiisii Real Madrid maaliyadda caddaanka la xirtay Ronaldo, haatanna sugaya inay garoonka wadaagaan Messi oo shalay si rasmi ah ugu biiray PSG.
Haddaba halkan hoose kaga bogo dhammaan xiddigaha ka garab ciyaaray Kabtannada xulalka Argentina iyo Portugal.
Angel Di Maria (Real Madrid oo uu Ronaldo kula ciyaaray iyo Argentina oo uu Messi kula ciyaaray)
Paulo Dybala (Juventus oo uu Ronaldo kula ciyaaray iyo Argentina oo uu Messi kula ciyaaray)
Gerard Pique (Manchester United oo uu Ronaldo kula ciyaaray iyo Barcelona oo uu Messi kula ciyaaray)
Carlos Tevez (Manchester United oo uu Ronaldo kula ciyaaray iyo Argentina oo uu Messi kula ciyaaray)
Ezequiel Garay (Real Madrid oo uu Ronaldo kula ciyaaray iyo Argentina oo uu Messi kula ciyaaray)
Fernando Gago (Real Madrid oo uu Ronaldo kula ciyaaray iyo Argentina oo uu Messi kula ciyaaray)
Andre Gomes (Portugal oo uu Ronaldo kula ciyaaray iyo Barcelona oo uu Messi kula ciyaaray)
Deco (Portugal oo uu Ronaldo kula ciyaaray iyo Barcelona oo uu Messi kula ciyaaray)
Gonzalo Higuain (Real Madrid iyo Juventus oo uu Ronaldo kula ciyaaray iyo Argentina oo uu Messi kula ciyaaray)
Nelson Semedo (Portugal oo uu Ronaldo kula ciyaaray iyo Barcelona oo uu Messi kula ciyaaray)
Arthur (Juventus oo uu Ronaldo kula ciyaaray iyo Barcelona oo uu Messi kula ciyaaray)
Miralem Pjanic (Barcelona oo uu Messi kula ciyaaray iyo Juventus oo Ronaldo kula ciyaaray)
Trincao (Barcelona oo uu Messi kula ciyaaray iyo Portugal oo Ronaldo kula ciyaaray)
Martin Caceres (Barcelona oo uu Messi kula ciyaaray iyo Juventus oo Ronaldo kula ciyaaray)
Henrik Larsson (Manchester United oo uu Ronaldo kula ciyaaray iyo Barcelona oo uu Messi kula ciyaaray)
Gabriel Heinze (Manchester United oo uu Ronaldo kula ciyaaray iyo Argentina oo uu Messi kula ciyaaray)
Waxaana goor dhow la sugayaa Sergio Ramos oo Real Madrid kula ciyaaray Ronaldo kaddibna PSG kula ciyaaray Messi.
Gool FM.