Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Hadafka uu ugu soo biiray PSG, dareenkii adkaa ee maalmihii lasoo dhaafay & Wax walba oo uu Lionel Messi uga hadlay shirkiisa jaraa’id

$
0
0

(Paris) 11 Agoosto 2021. Saxiixa cusub ee kooxda Paris Saint-Germain Lionel Messi ayaa qabtay shirkiisii jaraa’id ee ugu horreeyay ee isagoo ah ciyaaryahan ka tirsan kooxda PSG, waxaana uu kaga hadlay arrimo kala duwan.

Leo ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu ku biiro kooxda Faransiiska ka dhisan, balse waxa uu dhinaca kale qiray inuu wajahay maalmihii ugu adkaa xirfaddiisa kubadda cagta markii uu guuleysan waayay qorshihii uu Barcelona kula sii joogi lahaa.

“Ka tagista Barcelona aad ayay u adkeyd, balse aad ayaan ugu faraxsanahay inaan kusoo biiray Paris Saint-Germain, naadi hammi leh oo heysata koox sare, si deg deg ah oo dhab ah ayay u dardar geliyeen wada xaajoodka durba marka ay Barcelona soo saartay bayaanka Khamiistii lasoo dhaafay” ayuu hadalkiisa ku billaabay Messi.

“Kooxda halkan ku sugan waa cajiib, waxaa jiray saxiixyo qurux badan, tani waxay ii noqon doontaa khibrad aanan la rumeysan karin.

“Ma aqaan xilliga ugu horreeya ee aan awoodi doono inaan ciyaaro waxaanna laga yaabaa inaan u baahdo xaalado isu diyaarinta xilli ciyaareedka ah ugu horreyn.

“Wax walba oo ila soo gudboonaaday asbuucii hore waxay ahayn kuwa adag degdegna ku socda, waxayna ahayd xaalad maalinba maalinta ku xigta dareen ahaan ii baddelaysay, mana jirin cid isu diyaarisay, balse waan xiiseynayaa marxaladdan cusub xirfad ahaanteyda iyo qoyskeyga.

“Soo dhoweynta aan helay waxay ahayd mid cajiib ah, waxaan dareemay farxad aanan caadi ahayn mana sugi karo inaan la jaan-qaado saaxiibbadeyda cusub ee kooxdeyda.

“Waxaan ka imaaday bil fasax ah, hubanti waxaan u baahanahay is diyaarin, tababar aan bilaabo isla markaasna aan bilaabo inaan ciyaaro markaa diyaar noqdo, waxaanna rajeynayaa inay soo deg degto.

“Hadafkeyga iyo riyadeyda waa inaan ku guuleysto Champions League markale, waxaan heysannaa koox awoodda inay sidaas sameyso.

“Waxaan ku heystaa ogaal iyo saaxiibbo qolka lebiska ee PSG, Paris iyo anigaba waxaan raadineynay hadafyo isku mid ah, mid ka mid ah sababaha saxiixan suuro geliyayna waa qolka lebiska oo dadaal badan u sameeyay inay ii dooraan naadigan.

Marka laga soo tago dareenkiisa iyo kelmaddiisa kusoo biirista naadiga PSG, waxa uu dhinaca kale ka hadlay taageerayaasha kooxda ka ciyaarta horyaalka Ligue 1.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay, oo aan ugu mahdinayaa dadka aan kula kulmay jidadka. Waxaan ku sugnaa magaalada Barcelona markii warbaahinta iga hadleysay, iyagana waxay joogeen bannaannada magaalada Paris waxayna ahayd cajiib inaan iyaga ku arko bannaanka jidadka.

“Aad ayaan ugu mahdinaya, waxaanna rabaa inaan u mahad celiyo, waxaan xaqiiqdii rabaa inaan kula kulmo magaalada iyo garoonka. Waxa uu noo noqon doonaa sanad cajiib ah, weynu ku wada raaxeysan doonnaa” ayuu Messi yiri markii uu ka hadlayay taageerayaasha PSG.

Docda kale, Kabtanka xulka Argentina ayaa wax laga weydiiyay dareenka qarracanka leh ee naadiga Barcelona iyo waxay kaga dhignaan karto inuu wajaho kooxdiisii hore, waxaana uu Messi ku jawaabay: “Aad ayay u cakirneyd inaan Barcelona ka tago anigoo aanan garaneyn halka aan aadayo, Barcelona waa gurigeyga waayo waxaan halkaas joogay illaa caruurnimadeyda.

“Wey ogyihiin inaan usoo socday koox awood badan koox damaceedu yahay ku guuleysiga Champions League, waxaan jeclahay inaan guuleysto waxaanna rabaa inaan yeesho hadafyo muhiim ah, waxaan ogahay hadafyadeyda iyo kuwa PSG inay isku mid yihiin waxaanna rabaa inaan sii weyneysiiyo.

“Ma ogi inaan wajihi doonna Barcelona, aad ayay u fiican tahay inaan Barcelona ku laabto, waxay ila tahay in cudurka faafa uu taageerayaasha u ogolaan lahaa, waxay noqon doontaa layaab inaan halkaas ku ciyaaro anigoo xiran maaliyad kale balse waa mid dhici karta weynu arki doonnnaa.

“Dabcan Verratti waa mid muujiya inuu yahay ciyaaryahan weyn, Barcelona waa laga doonayay, balse haatan waa caski, aniga ayaa noqday qofka halkaan Paris. Kaliya Marco ma’ahan ee qolka lebiska waxaa ka buuxa ciyaartoyda ugu wanaagsan dunida.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles