(Paris) 11 Agoosto 2021. Xiddiga reer Argantina ee Lionel Messi ayaa shaaca ka qaaday xilliga uu u safan doono kulankiisa ugu horreeya kooxdiisa cussub ee Paris St Germain.
Kabtankii hore ee kooxda Barcelona, Lionel Messi ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda Paris Saint-Germain.
Dhankeeda Paris Saint-Germain ayaa ku dhawaaqday inay beeca xurta ah kula saxiixatay Lionel Messi, kaddib markii uu dhammaaday qandaraaskii uu kula jiray kooxda Barcelona.
Lionel Messi ayaa la joogi doona kooxda Paris Saint-Germain ilaa xagaaga 2023, iyadoo ay macquul tahay inuu sanad kale ku daro.
Paris Saint-Germain ayaa ilaa haatan suuqan xagaaga kala soo saxiixatay xiddigo aad u muhiimsan uu hoggaaminayo Lionel Messi, lagu daray Sergio Ramos, Gianluigi Donnarumma, Georginio Wijnaldum iyo Achraf Hakimi.
Haddaba Lionel Messi ayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday wuxuu kaga hadlay waqtiga uu ciyaari doono kulankiisa ugu horeeya ee kooxda PSG, wuxuuna yiri:
“Ka qeyb galka kulankeyga ugu horreeya? Runtii ma aqaan, waxaan ku jiray fasax, arintana way igu cusub tahay.”
“Waxaan la hadlay shalay shaqaalaha farsamada, sidaa darteed waxaa laga yaabaa inaan u baahdo waqti aan ku diyaar garoobo, kahor inta aanan ka qaybgelin kooxda koowaad.”
“Waxaan bilaabi doonaa tababarka iyo shaqada, waxaana rajaynayaa inaan awoodi doono inaan ciyaaro sida ugu dhaqsaha badan, marka shaqaaluhu ay u maleeyaan inaan fiicanahay, waxaana diyaar u noqon doonaa xilligaas.”
Waxaa xusid mudan in Paris Saint-Germain ay wajihi doonto kooxda Strasbourg Sabtida soo socota, ciyaar qeyb ka ah kulammada isbuuca labaad ee horyaalka France Ligue 1.
Gool FM.