(Paris) 12 Agoosto 2021. Lionel Messi ayaa si qeexan u sheegay dhowr sababood oo uu ku doortay ku biirista naadiga Paris Saint-Germain kaddib markii ay naadiga Barcelona si cad u baahisay inuusan iyaga qayb kasii ahaan doonin, waxaana kabtankii hore ee Blaugrana uu sharraxay shan sababood oo aas-aas u ahaa ku biirista naadiga ka dhisan Faransiiska.
Saxiixa cusub ee PSG ayaanan soo hadal qaadin wax la xiriira heshiiska uu ugu soo wareegay Parc des Princess, se waa kuwan sababaha uu 34-jirka reer Argentina PSG kaga doortay kooxaha kale.
1- Waxa uu durba awooday inuu ka gudbo tiiraanyadii ay ku reebta ka tagista Barcelona
Isagoo arrintan ka hadalaya, Messi ayaa yiri: “Ugu horreyn waxaa isoo maray maalmo adag, kaddib waxaan noqday mid isku jahwareersan maadaama aan doonayay inaan durba billaabo ciyaarista, kaddib markaa heshiiska ugu dambeeyay gaarnayna waxyaabo badan ayaa is baddelay”.
2- Qoyskiisa oo ku faraxsan inay u guuraan Paris
La Pulga ayaa sheegay inay qoyskiisa door muhiim ah ku leeyihiin halka uu marwalba u jiheysanayo, waxaana uu yiri: “Dhabar-jabka waxa uu si adag u saameeyay dhammaan qoyska, balse Antonela ayaa ila jirtay goor walba (& goob walba), xaaladdii ugu horreysayba way i taageertay, caruurteyda waxay jeclaayeen inay ku taammaan Eiffel Tower iyo Disneyland”.
3- Arjentiineeska dhooban qolka lebiska ee PSG
Sababta kale ee Messi ku riixday inuu doorto Paris Saint-Germain ayaa ah inay kooxda ku suganyihiin shaqsiyaad badan oo kasoo wada jeedaan dalka Argentina sida ciyaartoy iyo shaqaalaha tababarka.
“Heerka shaqsiyadeed, waa qol lebis oo aan garanayo, sidaas darteed, waxaad arkeysaa koox fiyoobi qabta, waxaana halkan ku sugan shaqaalaha tababarka oo reer Argentina ah, waana waxay iigaga wanaagsanaan doonto naadiyada kale” ayuu yiri Messi.
4- Saaxiibbo uu goor hore ku lahaa PSG
“Waxaan kala hadlay [Angel] Di Maria, [Leandro] Paredes iyo Neymar wax ku saabsan halka lagu noolaanayao iyo halka ay caruurteyda u aadayaan dugsiga” ayuu yiri Leo oo goor horeba kala sheekeystay nolosha Paris xiddigaha ay saaxiibbada dhow yihiin.
5- PSG oo kusoo dhoweysay gacmo furan
Messi oo qeexay dareenka ay ku reebtay qaabka ay usoo dhoweeyeen taageerayaasha naadiga Paris Saint-Germain ayaa yiri: “Wax walba oo aan bartay tan iyo markaan imid Paris waxay ahaayeen cajiib, jaceylkan oo dhan waa mid weyn. Waa khibraddii ugu horreysay ee naadi aanan ahayn Barcelona, kaddib dhabar-jab adag, haatan waan faraxsanahay markale”.
Gool FM.