(Zurich) 12 Agoosto 2021. Xiriirka kubadda cagta dunida ee FIFA ayaa goor dhow soo saaray diiwaanka kala sarreynta qiimeynta xulalka kubadda cagta ee bisha taasoo lagu cabbirayo qaab ciyaareedkii ay sameeyeen xulalka kubadda cagta xagaagan.
Waxaa xagaagan qabsoomay tartammada Copa America 2021 iyo EURO 2020 oo qaaradaha Koonfurta Ameerika iyo Yurub laga kala ciyaaray, waxaana sidaas darteed qiimeyn fiican helay xulalkii ku kala guuleystay tartammadaad ee Argentina iyo Italy.
Wali waxaa booska koowaad ee qiimeyna xulalka kubadda cagta ragga heysta xulka Belgium kaasoo tartankii qarammada Yurub kaga haray wareegga rubac-dhammaadka, balse xulkii ku xigay ee France ayaa hoos u dhacay hal darajo iyadoo booska labaad uu kala baxay xulka Brazil kaasoo gaaray Fiinaalkii Copa America ee xagaagan lagu qabtay isla dalkaas.
Ingiriiska ayaa baaqi kusii ahaaday booskiisa afaraad, se waxaa kaalinta shanaad usoo dallacay xulka Taliyaaniga ee qaaday koobkii qarammada Yurub, iyadoo booska lixaadna uu usoo dallacay xulka Argentina oo qaaday koobkii ugu horreeyay ee weyn muddo 28 sano ah kaddib.
Dhinaca kale, waxaa 10-ka ugu sarreeya kusoo biiray xulalka Mareykanka iyo Mexico kuwaasoo wada ciyaaray fiinaalkii koobka qarammada Waqooyiga Ameerika, iyadoo USA uu booska 10-aad ku jiro taasoo la micno ah in dhiggiisa uu sagaalaad ku jiro.
Kala sarreynta 10-ka sare
Darajada | xulka | Dhibcaha uu heysto |
---|---|---|
1 |
Belgium |
1822.34
|
2 |
Brazil |
1797.67
|
3 |
France |
1761.77
|
4 |
England |
1752.83
|
5 |
Italy |
1744.67
|
6 |
Argentina |
1714.43
|
7 |
Spain |
1680.44
|
8 |
Portugal |
1661.51
|
9 |
Mexico |
1658.29
|
10 |
USA |
1647.75
|
Marka laga soo tago xulalka ku jira 10-ka sare, waxaa sare u kac sameeyay xulka Netherlands oo haatan soo tiigsaday kaalinta 12-aad, balse xulka Germany ayaa weli sameynaya hoos u dhac isagoo haatan sii caga-cageyna booska 16-aad.
Dhinaca kale, xulkeenna Soomaaliya ayaa sare u kac sameeyay bishan qiimeynta billaha ah ee FIFA isagoo haatan soo gaaray booska 196-aad.
Liiska ay soo saartay FIFA ee qiimeynta billaha ah ee xulalka kubadda cagta dunida qaybta ragga
Gool FM.