(Paris) 16 Agoosto 2021. Lionel Messi ayaa ka tagay Kooxda Barcelona, isagoo ka mid noqday naadiga PSG ee ka dhisan dalka Faransiiska.
Haddaba waxaa la isweydiinayaa maxay tahay Naanaysta Messi, Maxaase loogu bixiyey ‘La Pulga’?.
Lionel Messi waxaa lagu naanaysaa ‘La Pulga’ ama Ingiriis ahaan The Flea, Carabi ahaanna (البرغوث), halka Af-Soomaali ahanna ay noqonayso cayayaanka yar ee loo yaqaan Booddada.
Naanaystaan ‘La Pulga’ ama Af-Soomaali ahaa Booddada waxaa markii ugu horreysay loo bixiyey Messi sanadkii 2005, waxaana u bixiyey Joornaaliiste u dhashay waddanka Argentina oo la yaabay goolasha xiriirka ah ee uu dhalinayay Lionel Messi.
Sababta Naanaysta La Pulga loo siiyayna Messi waxay ahayd sida fudud ee uu mar walba isagoo ka gaaban kana xoog yar ciyaartoyda kale uu misna mar walba u dhex jeexayo, u boos qaadanayo, ugu goynayo, uga baxsanayo mar walba oo ay is-dhahaan qabta, waana middaas sababta loogu magac daray bahalka yar ee Boodada ee dhiig ku noolka ah.
Gool FM.