(Madrid) 18 Agoosto 2021. Ciyaaryahanka khadka dhexe kooxda Real Madrid ee Toni Kroos ayaa sheegay in ku biirista Lionel Messi ee naadiga Paris Saint-Germain ay tahay heshiis faa’iido u leh Los Blancos, isagoo tilmaamay inay suurtugal tahay in heshiiskan uu dhabaha u xaaro helitaanka adeega Kylian Mbappé.
Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa ka tagay Barcelona, kaddib markii uu dhacay qandaraaskii uu kula jiray Blaugrana, taasoo ka dhigtay inuu ku biiro kooxda Paris Saint-Germain.
Kaddib markii Lionel Messi uu ku biiray kooxda Paris Saint-Germain, qof walba wuxuu ka hadlay in heshiiskan uu albaabka u furi doono Real Madrid si ay u dejiso heshiiska Mbappé.
Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Kylian Mbappé uu hadda aad ugu cadaadinayo maamulka kooxda Paris Saint-Germain, inay u ogolaadaan ku biiritaanka naadiga Real Madrid xagaagan, halka Sky Sports ay werisay in saraakiisha Los Blancos ay sugi doonaan xagaaga soo aaddan si ay Kylian lacag la’aan ula soo saxiixdaan.
Shabakada “Goal” ayaa shaacisay wareysi uu bixiyay laacibka khadka dhexe kooxda Real Madrid ee Toni Kroos, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:
“Waan arki doonaa sida ay wax u socdaan, u dhaqaaqista Messi ee Paris Saint-Germain, waxaa laga yaabaa in tallaabadan ay noo wanaagsan tahay, sababtoo ah kooxda aan sida weyn u xilfaaltano waxay lumisay xiddigeedii ugu muhiimsanaa.”
“Waxaa laga yaabaa inay ka dhalan doonto waxyaabo badan oo wanaagsan, laga yaabee in ciyaaryahan ka socda Paris Saint-Germain uu nagu soo biiro, haddii ay taasi dhacdo, heshiiska Messi oo dhan wuxuu noo ahaan doonaa mid noo wanaagsan 100%.”
Gool FM.