(Paris) 29 Okt 2021. Xiddiga xulka qaranka Brazil ee Neymar Jr ayaa amaan kala dul dhacay labadiisa saaxiib ee Vinícius Júnior iyo Rodrygo kaddib heerarkii wacnaa oo ay ku soo bandhigeen Real Madrid isla markaana ay guul kaga gaareen kulankii El Clasico ee ay la ciyaareen Barcelona.
Vinícius Júnior iyo Rodrygo ayaa ku soo biloowday kulankii El Clasico ee ka dhacay garoonka Camp Nou, ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 1-2 ay ku soo adkaatay Los Blancos, iyadoo goolasha kulankaas ay kala dhaliyeen David Alaba iyo Lucas Vazquez, halka goolka qura ee Barcelona uu dhaliyay Sergio Aguero.
Haddaba wargeyska Marca ee dlaka Spain ayaa shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay laacibka kooxda PSG ee Neymar Jr, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:
“Waxaan heysanaa dhalinyaro cusub oo ka tirsan xulka qaranka, sida Vinicius iyo Rodrygo, kuwaas oo ah laba ciyaaryahan oo horumar badan sameyn kara.”
“Brazil waa wadan soo saara ciyaartoy badan oo wanaagsan. Waxaan filayaa in Koobka Adduunka ee soo socda uu noqon doono tartan la yaab leh, waan ognahay sida ay u adag tahay inaan guuleysano, taasina waa riyadeyda ugu weyn.”
Intaas kaddib Neymar ayaa ka hadlay rajada ay jamaahiirta Paris Saint-Germain ka filayaan kooxda kaddib imaatinka Lionel Messi wuxuuna yiri:
“Si fiican ayaan isku baraneynaa, waxaan heysanaa wax walba si aan u qaadano xilli ciyaareed fiican oo aan koobab ugu guuleysan karno.”
Gool FM.