(Argentina) 16 Nof 2021. Xulalka Argentina iyo Brazil ayaa saacadaha dambe ee caawa ku balansan kulan ka tirsan isreeb-reebka Koobka Adduunka 2022 ee dalalka Koonfurta Ameerika iyadoo.
Kahor kulankan, waxaa shaki weyn la gelinyay xaaladda Lionel Messi oo ku dhaawacmay u ciyaarista naadigiisa Paris Saint-Germain kulan ka tirsanaa horyaalka Ligue 1 inkastoo uu 14 daqiiqo ka ciyaaray kulankii lasoo dhaafay ee uu xulka Argentina 1-0 kaga adkaaday Uruguay.
Si kastaba ha ahaatee, macallinka xulka La Albiceleste ee Lionel Scaloni ayaa xaqiijiyay inuu Messi taam buuxa u yahay ciyaartan isagoo yiri: “Maalinkii hore waa uu fiicnaa jir ahaan, waxaanse go’aansannay inay u wanaagsan tahay inuu daqiiqado yar ciyaaro si uu fiicnaan u dareemo”.
“Kulanka berri (Brazil), waa xaqiiqo inuu ciyaarayo, sidaas darteed waxaan rajeyneynaa inuu fiicnaan dareemo” ayuu hadalkiisa ku adkeeyay Macallin Scaloni.
Kulanka saacadaha dambe ee caawa ayaa kulminaya labada xul ee ugu sarreeya is-reebreebka Koobka Adduunka ee xulalka Koonfurta Ameerika inkastoo uusan xulka Argentina xaqiijin usoo bixitaanka dhacdada sanadka dambe lagu qaban doono dalka Qatar halka Brazil ay goor hore hubisay booskeeda Koobka Adduunka 2022.
Gool FM.