Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Madxafkee ayuu Lionel Messi dhigi doonaa abaal-marintiisa 7-aad ee Ballon d’Or?… (Ma kan Barcelona mise midka PSG?)

$
0
0

(Paris) 01 Dis 2021. Weeraryahanka Kooxda PSG iyo xulka qaranka Argentine ee Lionel Messi ayaa la soo warinayaa inuu go’aasaday, halka la dhigi doono abaal-marintiisa 7-aad ee Ballon d’Or oo uu sanadkan ku guuleystay.

Messi ayaa abaal-marintiisii ugu dambeysay ee Ballon d’Or 2021 waxa uu ku biirin doonaa lixdii kale ee abaal-marin ee uu horay u dhigay Madxafka Kooxda Kooxda Barcelona sida wararku ay tilmaamayaan.

Cod baahiyaha SER ayaa warinaya Lionel Messi uu abaal-marintiisa 7-aad ee Ballon d’Or uu dhinac dhigi doono abaal-marinnadii kale oo uu horay ugu guuleystay ee Ballon d’Or oo yaala Madxafka Kooxda Barcelona, isla markaana uuba go’aansaday in halkaasi la dhigo.

Messi ayaa abaal-marintan 7-aad ee Ballon d’Or 2021 ku guuleystay habeen hore (Isniin 29-kii November), waxaana uu abaal-marintan ku garaacay Robert Lewandowski oo abaal-marintaas u qalmay sanadkii hore ee 2020, waxaana uu xiddiga PSG uu sidaas ku noqday ciyaaryahanka tirada ugu badan ku guuleystay abaal-marinta taariikhda kubadda cagta.

34-sano jirkaan ayaa abaal-marintan loo gacan geliyey kaddib markii uu xulkiisa Argentina uu xagaagii u qaaday Copa America oo koob weyn aan ku guuleysan muddo ku dhow 30-sano, sidoo kalena waxa uu 30 gool u dhaliyey Barca, isagoo ka caawiyey inay ku guuleystaan Copa del Rey ka hor inta uusan dhammaadkii xilli ciyaareedka ka soo tagin Camp Nou oo uusan ku biirin PSG.

Waxa uu aaminsan yahay Messi in abaal-marinta 7-aad ee Ballon d’Or uu qaaday isagoo ka tirsan Barcelona, loona xisaabiyey waxqabadkii Barca iyo xulkiisa qaranka Argentine, sidaas darteed uu abaal-marintan dhigi doono Madxafka Barcelona.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles