(Turin) 03 Dis 2021. Tababaraha kooxda Juventus ee Massimiliano Allegri ayaa iska indho tiray ciyaartoygiisii hore ee Cristiano Ronaldo mar uu ka hadlayay abaal-marinta Ballon d’Or.
Macalinka reer Talyaani ee Massimiliano Allegri ayaa carabka ku adkeeyay in xiddiga reer Argantina ee Lionel Messi uu yahay kan ugu fiican aduunka.
Magaalada Paris ee caasimadda Waddanka Faransiiska ayaa dhawaan lagu guddoonsiiyey Lionel Messi abaal-marinta laacibka ugu fiican kubbada cagta adduunka ee Ballon d’Or 2021.
Lionel Messi ayaa habeenkii Isniinta ku guuleystay abaal-marintan Ballon d’Or, waxaana uu ku garaacay xiddigaha kala ah Robert Lewandowski iyo Jorginho.
Shabakada Football Italia ayaa shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Tababaraha kooxda Juventus ee Massimiliano Allegri, wuxuuna yiri:
“Ballon d’Or? Waxay doorteen Messi, waxaana dhihi karnaa waa ciyaaryahanka ugu fiican adduunka farsamo ahaan.”
“Laakiin ma garanayo waxa ay ku saleeyeen xukunkooda.” Ayuu sii raaciyay hadalkiisa Massimiliano Allegri.
Waxaa xusid mudan in Ronaldo uu soo afjaray xiriirkii uu la lahaa Juventus bishii Ogosto ee la soo dhaafay ka dib 3 sano oo uu ku qaatay garoonka Bianconeri, Don wuxuu ciyaaray 134 kulan isagoo xiran funaanada Juventus tartamada oo dhan, isagoo u dhaliyay 101 gool, wuxuuna caawiyay 22 goo ay dhaliyeen saaxiibadiis.
Intau dhaxaysay 2018 iyo 2021, Cristiano Ronaldo wuxuu kula guuleystay kooxda Juventus horyaalka Talyaaniga laba jeer, Coppa Italia hal mar, iyo Italian Super Cup laba jeer.
Gool FM.