(Paris) 13 Dis 2021. Xiddiga Kylian Mbappe ayaa xalay labo gool u dhaliyay naadiga Paris Saint-Germain ciyaartii ay 2-0 ku dubatay naadiga Monaco, iyadoo uu goolka hore ahaa mid rigoore ah halka midka labaadna uu ka helay Lionel Messi.
Goolashaas ayuu Mbappe ku gaaray 100 gool oo uu PSG ugu dhaliyay horyaalka Ligue 1, isagoo noqday xiddigii ugu da’da yaraa ee 100 gool naadigan ugu dhaliyo horyaalka dalka Faransiiska.
Isla 100-kaas gool ayaa ka dhigtay inuu yahay xiddigii ugu da’da yaraa ee hal naadi horyaalka Faransiiska ugu dhaliyay 100 gool, waxaana markii uu xalay darajadaas gaarayay 22-ka sano u raacsaneyd 357 maalmood.
Si kastaba ha ahaatee, weeraryahankan Faransiiska kula guuleystay Koobkii Adduunka ee 2018 Ruushka lagu qabtay ayaa 16 gool ka dhaliyay Ligue 1 kahor inta uusan PSG kusoo biirin markaa soo uu ka tirsanaa isla kooxdii uu xalay labada gool ka dhaliyay ee Monaco.
Gool FM.