(Paris) 14 Dis 2021. Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germian ayaa wareegga 16-ka tartanka Champions League ku beeganatay naadiga ugu guulaha badan tartanka ee Real Madrid, waxaana isku aadka ka hadlay kabtankii hore ee Los Blancos, Sergio Ramos oo haatan ka tirsan PSG.
Ramos ayaa qiray inuusan ku faraxsaneyn inay isku aadaan labadan naadi, isla markaana uu door bidi lahaa inuu wareeggan ku wajaho naadi kale intii uu ka hor tagi lahaa kooxda uu halyeyga u yahay, waxaase uu sii raaciyay in ku laabashada garoonka Santiago Bernabeu ay farxad gelineyso isaga.
“Waxaan dooran lahaa inuusan isku aadka sidan noqon, balse ku laabashada Bernabeu ayaa farxad xambaarsan, sagootin ma aanan helin sabab la xiriirtay Koofid 19, waxaan jeclaan lahaa inay koox kale nagu soo aaddo, waad ogtihiin dareenka iyo jaceylka igala dhexeeya Real Madrid” ayuu difaacan 35-sano jirka ah u sheegay saxaafadda.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa uu intaas sii raaciyay inuu doorkan matalayo PSG, wax walbana uu u huri doono si ay uga gudubto wareeggan maadaama ay halis u bareereen markii ay lasoo saxiixanayeen, waxaana uu yiri: “hadda waa doorkeyga aan ku difaacayo PSG, wax walba oo macquul ah ayaan u sameyn doonaa si ay usoo baxdo, waa koox si qamaar ah igu soo qaadatay, nafta ayaan u dhigan doonaa PSG”.
Gool FM.