(Torino) 15 Maarso 2016. Xiddiga lambarka buuxa u xirta naadiga Juventus ee Paul Pogba ayaa daaha ka rogay in xiddigaha uu ka daba dhici jiray kuna dayan jiray ay ahaayeen laacibkii hore ee reer Brazil Ronaldo iyo tababaraha iminka ee Real Madrid Zinedine Zidane.
Pogba ayaa 23-jirsaday maanta oo isniin ah waxaana lagu tiriyaa mid ka mid ah da’yarta ugu fiican Yurub waqti xaadirkan waxa uuna noqon doonaa laf dhabarka xulka Faransiiska oo isku dayi doona inay ku guuleystaan Europe League oo ay marti galinayaan.
Markii ugu dambeysay ay Faransiisku marti galiyaan koob wayn waxa ay ahayd 1998 kolkaa ay Final-ka koobka adduunka isku qabteen labada xiddig uu aadka ula dhacsan yahay Pogba ee Ronaldo iyo Zidane waxaana koobka hantay xulka uu dhiiro galinayay macallinka iminka ee Real Madrid.
“Waxaynu ka daawannay TV-ga guriga waana xusuustaa inaan banaanka ula baxnay baabuurkeena si aan saaxiibada ula dabaal degno,” Pogba ayaa sidaa u sheegay bogga rasmiga ah ee FIFA.
“Ronaldo wuxuu ahaa midka aan ku dayan jiray waa ciyaaryahanka i jecleysiyay kubbada cagta. Aad buu ii xiiso galinayay isaga maadaaama aan ka ciyaari jiray weerarka marka aan yaraa. Farsamadiisa, xawaarihiisa iyo isha uu ku hayo goosha sidoo kale kala duwanaanshaha dheeshiisa waxay ahayd wax aan ka helo.
“Dabcan sidoo kale Zidane. Waa halyeeygeena iyo qof noogaa tagay raad dhab ah. Ma ilaawi doono isaga. Qofkastaa waa uu xushmeeyaa wuuna ka helaa isaga dhammaanna waxa aan doooneynaa inaan ku dayano wixii uu ku guuleystay waayihiisa ciyaareed.”.
Gool FM.