(France) 03 Feb 2022. Halyeyga Real Madrid iyo qaranka Faransiiska ee Zinedine Zidane ayaa haatan shaqo la’aan ah inkastoo lala xiriirinayo xilka macalinnimo ee dalkiisa France iyo kooxda isla dalkaas ka dhisan ee Paris Saint-Germain, waxaana lasoo warinayaa inuu iska diiday dalab uu PSG ka helay bishii lasoo dhaafay si uu shaqada kaga baddelo Mauricio Pochettino oo haatan kooxdaas majaraha u haya.
Kooxda magaalada Paris ka dhisan ayaa ka fikireysa kaddib xukunka Pochettino kaasoo si aad ah loola xiriirinayo shaqada naadiga Manchester United, waxaana la fahansan yahay inuu xilli ciyaareedkan dhammaadkiisa ka tagayo shaqadiisa, sidaas darteed, PSG ayaa dooratay inay shaqadan ku wareejiso macallinkii hore ee Los Blancos.
Sida laga soo xigtay TF1, macallinka saddexda jeer la qaaday Champions League naadiga Madrid ayaa ahaa musharraxa ugu cadcad ee shaqada Paris la wareegi kara, balse fursaddaas ayuu gaashaanka u daruuray isagoo raadinaya mashruuc ka weyn leylinta kooxda ku ciyaarta Parc des Princess.
Paris Saint-Germain ayaa haatan 11 dhibcood oo nadiif ah ku heysa hoggaanka horyaalka La Liga, balse waxaa laga reebay tartanka Coupe de France oo ay kooxda Nice ku reebtay wareegga 16-ka Isniintii.
Gool FM.