(Paris) 14 Feb 2022. Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Mauricio Pochettino ayaa sheegay in PSG ay aad u ixtiraamto Real Madrid sababtuna ay tahay taariikh dheer oo ay ku leedahay tartanka Champions League-ga, isaga oo xusay in Los Blancos ay caadeystay ku guuleysiga Champions League.
Real Madrid ayaa habeen dambe garoonka Parc des Princes marti ugu noqon doontaa Paris Saint-Germain, si ay u wada ciyaaraan kulanka lugta hore ee wareegga 16ka Champions League.
Mauricio Pochettino ayaa maanta oo Isniin ah ka soo muuqday shir jaraa’id kahor kulanka habeen dambe ee dhex mari doono PSG iyo Real Madrid, wuxuuna yiri:
“Waxaan u ixtiraamaynaa Real Madrid inay tahay mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn adduunka, Real Madrid oo ku jirta Champions League iyadaa iska hadleysa, maaha wax ku saabsan ciyaartoyda ama Tababarayaasha, laakiin waa su’aal ku saabsan awooda iyo dhaxalka kooxda.”
“Ma jirto koox ugu cad-cad inay u soo baxdo wareega siddeeda,”
“Waxaan sugeynay in ka badan 50 sano inaan ku guuleysano koobkan, sidaas darteed waxaa nahay koox tartameysa, laakiin kuwa caadeystay inay ku guuleystaan Champions League ayaa wajaheynaa.”
“Messi? Habeenkan waa habeen ka mid ah habeenada ugu muhiimsan, Leo wuu fiican yahay, waxaan uga faa’iideysan karnaa si gaar ah iyo si wadajir ah, wuxuuna door muhiim ah ka ciyaari karaa kulankan.”
“Taageerayaasheena waxay la joogi doonaan ciyaartoyda kulanka berri, tani aad ayay muhiim noogu tahay.”
Gool FM.