(Paris) 15 Feb 2022. Kulanka ugu hadal-heynta badan asbuucan ayaa caawa kooxaha Paris Sain-Germain iyo Real Madrid ku dhex mari doona lugta koowaad ee wareegga 16-ka tartanka Champions League.
PSG ayaa booska labaad kaga soo baxday Guruubka A iyadoo guul gaartay saddex kulan, labo barbarro iyo hal guuldarro ayaana u raacday halka Real Madrid ay guruubkeeda D kaga soo baxday kaalinta koowaad iyadoo shan guul gaartay midna la garaacay.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: Yurub – Champions League
Saacadda ay bilaabaneyso ciyaarta: 11:00 Habeennimo xilliga Geeska Afrika
Garoonka: Parc des Princes
Garsooraha: Daniele Orsato (Italy)
Wararka kooxaha:-
Kabtankii hore ee Real Madrid, Sergio Ramos oo xagaagan si bilaash ah ugu soo biiray PSG ayaa guud ahaan seegaya ciyaartan dhaawac soo gaaray awgiis, balse nasiib wanaagsan kooxda Faransiiska ka dhisan ayaa dib u heleysa Neymar oo si buuxda taam ugu ah kulankan.
Dhanka kale, Los Blancos ayaa heysata saf dhammeystiran maadaama ay kooxda kusoo laabteen Karim Benzema iyo Ferland Mendy oo dhaawacyo ku maqnaa kulammadii lasoo dhaafay.
Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-
Labadan naadi ayaa tartanka kooxaha Yurub ku kulmay 10 jeer, waxayna Real Madrid adkaatay afar jeer, saddex barbarro ayay galeen, saddexda kalena PSG ayaa guuleysatay.
Kooxda Paris ka dhisan ayaa 3-0 guul ku gaartay markii ugu dambeysay ee ay labadan naadi ku kulmeen garoonka Parc des Princess oo caawa lagu ciyaarayo, waxaana kulankaas uu ka tirsanaa wareegga guruubyada ee Champions League xilli ciyaareedkii 2019/20.
Real Madrid weeraryahankeeda Karim Benzema ayaa gool dhaliyay mid kasta oo ka mid ah afartiisii ciyaarood ee ugu dambeeyay Champions League isagoo dhaliyay shan gool wadar ahaan, waxaana uu noqon karaa xiddigii saddexaad ee shan kulan oo xiriir ah tartankan gool ugu dhaliya kooxda caasimadda Spain ka dhisan kaddib Cristiano Ronaldo oo sidaas afar jeer sameeyay iyo Ruud van Nistelrooy.
Lionel Messi ayaa siddeed kulan oo Champions League ah ku ciyaaray garoonka Parc des Princess, waxaana uu dhaliyay siddeed gool isagoo mid kalena caawiyay.
Shaxda macquulka ah ee labada koox:-
Paris Saint-Germain:
Real Madrid:
Gool FM.