Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Goorta lasoo bilaabay sharciga goolka bannaanka (Away goal) ee haatan la joojiyay, kooxdii ugu horreysay ee ku faa’idday, macallimiinta waaweyn ee iska diiday & Xusuusta xun ee ay ku leedahay Real Madrid

$
0
0

(Yurub) 15 Feb 2022. Baahidii ay kooxaha Yurub ka dhisan u qabeen inay gool bannaanka kusoo helaan marka ay ciyaarayaan wareegyada bug-baxa tartanka Champions League ayaa micno la’aan noqday maadaama xiriirka kubadda cagta qaaradda Yurub ee UEFA uu meel iska dhigay sharciga goolka bannaanka (Away goal).

Xiriirka UEFA ayaa bishii June ee sanadkii hore go’aansatay inay meel iska dhigto xeerka goolka bannaanka kaasoo markii ugu dambeysay la isticmaalay wareeggii nus-dhammaadka tartankan ee xilli ciyaareedkii hore, koox walbana waxay kusoo gudbi doontaa farqi goolal ah.

Goormee lasoo bilaabay in la isticmaalo goolka bannaanka?

In goolasha bannaanka ay u dhigmaan labo gool marka ay wadarta labada lug barbarro noqoto ayaa la bilaabay xilli ciyaareedkii 1965/66.

Waa tuma kooxdii ugu horreysay ee kusoo baxday xeerkan?

Kooxda ka dhisan dalka Iceland ee Valur ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay ee ku faa’idday, waxayna lugta hore garoonkeeda barbarro 1-1 ah kula gashay naadiga Jeunesse Esch balse ciyaartii lugta labaad ayaa ku dhammaatay 3-3, Valur ayaana sidaas ugu gudubtay wareeggii xigay ee tartankan markaasoo la oran jiray European Cup.

Waa kuwee macallimiinta sida cad ugu ole’oleeyay in xeerkan laga saaro Champion League?

Diego Simeone, Thomas Tuchel iyo Carlo Ancelotti ayaa ka mid ah macallimiinta sida cad uga hor yimid xeerka goolka bannaanka, si la mid ah Arsene Wenger oo macallin u ahaa Arsenal ayaa isaguna qayb ka ahaa xubnihii bilaabay inay iska diidaan xeerka goolka bannaanka.

Atletico Madrid vs Chelsea: Diego Simeone hails Thomas Tuchel and Blues  squad before Champions League tie | The Independent

Xusuusta aan wanaagsaneyn ee uu xeerkan ku leeyahay Real Madrid taasoo ah kooxda ugu hanashada badan tartanka Champions League:

Xusuus aad u xun ayuu xeerka goolka bannaanka ku leeyahay naadiga Madrid kaddib markii ay tartanka kaga hartay xilli ciyaareedkii 1987/88 markaas oo ay lugta hore barbarro 1-1 ah garoonkeeda kula gashay naadiga PSV Eindhoven, balse kulankii lugta labaad ee ka dhacay dalka Netherlands ayaa ku dhammaaday 0-0, sidaas ayayna Los Blancos kaga hartay tartanka horyaallada Yurub.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles