Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Radamel Falcao oo shaki laga muujinayo inuu taam u noqon karo Kulanka Man City

$
0
0

(Monaco) 12 Maarso 2017 Kooxda AS Monaco ayaa helaysa war aan fiicnayn kadib markii shaki laga muujiyay taam ahaanshaha weerar yahankooda reer Colombia.

Falcao ayuu dhaawac ka soo gaaray bowdada kulankii kooxdiisu ay 2-1 uga adkaatay xalay kooxda Bordeaux, waxaana shaki lagaliyay inuu ciyaari karo kulanka Manchester City.

Kooxda reer France ayaa 5-3 looga soo adkaaday kulankii lugta hore, waxayna ku dadaalayaan inay u soo gudbaan wareega 8-da.

شكوك كبيرة حول مشاركة فالكاو أمام السيتي!

Tababare Leonardo Jardim oo la waydiiyay xaalka Radamel Falcao kadib kulankii xalay ayaa yiri:

“Jug culus ayaa ka soo gaartay bowdada, waa inaan sugnaa wixii ka soo baxa baaritaanada, dabcan waxaan rajaynayaa inuusan noqon dhaawac halis ah”.

“Inkasta oo uu ku jiray xaalad fiican hadana kuma soo bilaabin kulanka Bordeaux, waan ku celcelinayaa, waxaan rajaynayaa in dhaawiciisu uusan noqon mid xun, waayo hadii uusan taam ahayn 100% ma ciyaari doono kulanka Man City”.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles