Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

CL: Kooxda Monaco oo u soo baxday siddeed dhammaadka koobka horyaallada Yurub markii ay reebtay Manchester City… + SAWIRRO

$
0
0

(Monaco) 16 Maajo 2017 – Kooxda kubadda cagta Monaco ayaa u soo baxday siddeed dhammaanka Champions League kaddib markii ay guul ka gaartay 3-1 ka gaartay caawa naadiga Ingiriiska ee Manchester City.

Monaco ayaa goolasha la horreysay waxaana goolka koowaad u dhaliyey 8’daqiiqo bilowgii ciyaarta da’yarkooda Kylian Mbappe Lottin, kaddib markii uu shabaqa gaarsiiyey kubbad uu Bernardo Silva u soo dhigay Man City ayaana lagu hoggaamiyey 1-0.

Inta aan la aadin qeybta nasashada Man City ayaa laga dhaliyey goolka labaad waxaana 29’daqiiqo ugu shubay Fabinho, kaddib markii uu kubbad joog hoose ku socotay garab ka keenay Benjamin Mendy, kulanka ayaana lagu kala nastay 2-0 ay ku gacan sarreysay Monaco.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay Man City ayaa dhalisay gool rajo wayn geliyey oo ay ku soo bixi kartay, waxaana u saxiixay 71’daqiiqo Leroy Sane, kaddib markii uu dhammaystiray kubbad uu goolhayaha Monaco ka tufay Raheem Sterling, kulanka ayaana sidaas ku noqday 2-1 ay wali ku gacan sarreysay kooxda martida loo ahaa ee Monaco.

Laakiin kooxda Monaco ayaa la timid gool kale kaasoo rajo beel ku riday Man City waxaana laad xor ah oo la soo karoosay 77’daqiiqo madax ku dhaliyey Tiemoue Bakayoko, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 3-1 looga adkaaday wiilasha tababare Guardiola.

Manchester City iyo Monaco goolashooda labada lugood ayaa noqday wadar ahaan 6-6, laakiin kooxda reer France ayaa 3 gool ku soo dhalisay garoonka Etihad lugtii hore taas ayaana ka caawisay inay u soo baxaan siddeed dhammaadka koobka horyallada Yurub ee Champions League.

Man City ayaa sidaas uga hartay tartanka Champions League, kooxda Ingiriiska ku matali doonta tartankan ayaana ah kaliya Liecester City.

SAWIRRO:

C6_JlcUWYAQRWw4

C6_JoKKWcAAN8z3

C6_JoKXWYAox4Jv

C6_JouTWwAI8Np6

C6_KA0-WYAYORVd

C6_KA1KWYAMXyR_

C6_Qbj6WYAANUPl

C6_RUJRWYAI76Gu

C6_WudiWYAo9GjU

C6_WUxpW0AABU42

C6_XOY6WYBMDx1J

C6_XOy8WcAEmRon

C6_XPLbWcAAlcK8

C6_XPtjXAAATE3V

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles