Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Kaddib dhaawacii soo gaaray, Miyuu Mbappé seegayaa kulanka soo socda ee Real Madrid?

$
0
0

(Paris) 07 Mar 2022. Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa shaaca ka qaaday suurtagalnimada uu ku seegayo Kylian Mbappé kulanka soo socda ee Real Madrid, sababa la xiriira dhaawac soo gaaray dartiis.

Real Madrid ayaa Arbacada ku marti galin doonta kooxda reer France ee Paris Saint-Germain garoonka Santiago Bernabéu, si ay u wada ciyaaraan kulanka lugta labaad ee wareega 16-ka tartanka Champions League.

Lugtii hore ayaa kusoo idlaatay guul ay gaartay kooxda martida loo ahaa ee Paris Saint-Germain, kaddib markii ay ku adkaatay 1-0 u dhaliyay Kylian Mbappé, kaasoo laga yaabo inuu seego kulanka ka dhici doono garoonka Santiago Bernabeu.

Mbappe ayaa ku dhaawacmay tababarka Paris, wargayska ayaa tilmaamay in weerar yahanka reer France ay jug xoogan soo gaartay intii lagu jiray tababarkii kooxda fiidnimadii isniinta, inkasta oo baadhitaanadii caafimaad uu maray ay meesha ka saarayaan inuu jab soo gaaray, iyadoo ka qayb galka laacibka ee kulanka Arbacada ayaa ah mid shaki wayn la galinayo.

Wargeyska “Le Parisien” ee ka soo baxa dalka Faransiiska ayaa sheegay in Mbappé ay jug xooggan ka soo gaartay tababarkii subaxnimo ee laba maalmood kahor inta uusan wajahin Real Madrid, dhaawacan oo ah mid weyn ayaan suurtogal ka dhigeyn in Paris ay ku sameyso laacibkeeda baaritaanno dheeri ah si loo ogaado inta uu la egyahay dhaawaca kahor kulanka la wada sugayo.

Wargeyska Faransiiska ayaa intaa ku daray in Mbappé uu aad u naxay kaddib dhaawaca soo gaaray, isagoo doonayay inuu wajaho Real Madrid, taasoo laga yaabo inay noqoto kooxdiisa xiga ee xilli ciyaareedka soo socda.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles