(Paris) 16 Abriil 2022. Wararkii ugu dambeeyay ayaa xaqiijiyay in Paris Saint-Germain ay si dhab ah uga fiirsaneyso suurtagalnimada in ay soo gudbiso dalabka ay kula soo saxiixaneyso weeraryahanka reer Belgium iyo kooxda Chelsea ee Romelu Lukaku.
Inkasta oo uu ku soo laabtay garoonka Stamford Bridge xagaagii hore, Lukaku ayaa u muuqda mid haatanba kala hadlaya mustaqbalkiisa Chelsea waxana uu doonayaa in uu isaga tago kooxda kaddib markii uu la qabsan waayay qorshaha tababaraha reer Germany ee Thomas Tuchel.
Sida laga soo xigtay GiveMeSpor, Lukaku ayaa ku qancay inuu ka tago Blues, kaddib markii ay soo baxday inuusan ahayn weeraryahan ku haboon inuu ka mid noqdo kooxda reer London waqti xaadirkaan, tani ayaana ka dhigeysa fursada PSG ay ku heli karto adeegiisa.
Lukaku ayaa dhaawac soo gaaray bartamihii bishii October wuxuu sababay in 7 kulan uu ka maqnaado kooxda, kaddib markii uu si fiican kaga bilowday xilli ciyaareedkan, laakiin wax yar kadib markii uu soo kabtay 28 jirkan weerarka ka ciyaara ayaa ku dhacay caabuqa Korona Fayras, taasoo keentay in siyaabo kala duwan ee dhan farsamo uu kaga maqnaado safka kooxda.
Lukaku ayaa markii dambe kasoo muuqday wareysi uu siiyay Sky Italia, waxaana uu ku dhawaaqay jaceylka uu u qabo Inter, waxaana tani ay muujineysay iska hor imaadka weyn ee u dhaxeeya isaga iyo tababare Thomas Tuchel, waxaana wixii ka dambeeyay wareysigaasi ciyaaryahanka uu noqday dooqa labaad ee kooxda kaddib Kai Havertz.
Gool FM.