(Paris) 26 Mar 2017. Suuqa bartilmaameedka Manchester United Kylian Mbappe ayaa sii kordhaya, sabtidii waxa uu noqday France-siiskii ugu da’da yaraa ee safta kulmada caalamiga ah tan iyo 1955.
Weeraryahanka Monoco waxa uu soo jiitay dareenka qaar ka mida kooxaha dunida ugu waa weyn kaddib bandhigyada wanaagsan ee uu ka sameeyey Ligue 1-ka iyo Champions League, isaga oo dhaliyey 19 gool 32 kulan oo uu saftay, sidoo kale 11 caawin ayuu sameeyey.
Waxa ay taasi keentay in lagu daro xulka France isaga oo wajahay Luxembourg sabtidii.
Kulankiisii ugu horreeyey waxa uu xulkiisa matala isaga oo jira 18 sano, waxa uu sidaas ku noqday ciyaryahankii ugu yaraa ee loo yeero 62 sano kaddib, aryan Wisnieski ayuu ahaa xiddigaas oo ku dheelay 18 sano iyo 61 maalmood.
Kylian Mbappe waxaa si xoog leh loola xiriirinayaa Manchester United waxaana jirta warar sheegaya in qiimaha lagu doono gaaray Kylian Mbappe.
18 – Kylian Mbappe (18 yo & 95 days) has become the youngest international since Wisniewski v Sweden in 1955 (18 yo & 61 days). Early. pic.twitter.com/4VFgQrRMp7
— OptaJean (@OptaJean) March 25, 2017
Fabinho oo ay Monoco ka wada tirsan yihiin ayaa sheegay in uu xiddiga ku dambeyn doono Spain, waxa uu u sheegay Chuteria FM oo ah jariirada ka soo baxda Brazil: “Waan ognahay ha dheeraato ama ha dhawaato waxa uu ku dhambeyn doonaa Real Madrid ama Barcelona, ama koox la heer ah.
“Laakiin ilaa iyo inta uu nala joogo waan ka faa’idi doonnaa.”
Gool FM.