(Nyon) 17 Maarso 2016 – Kooxaha Barcelona iyo Bayern Munich ayaa ugu dambeeyey oo u soo gudbay rubuc-dhamaadka Champions League, kadib markii ay ka kala badiyeen kooxaha Arsenal iyo Juventus.
Haddaba waxaan idiin soo gudbinaynaa siddeeda kooxood ee isugu soo haray tartankan, dalalka ay ka kala socdaan iyo xilliga la samayn doono isku aadka rubuc-dhamaadka Champions League.
Kooxda siddeeda ah ee isugu soo haray Champions League saddex ka mid ah waxa ay ka socdaan Dalka Spain, waana kooxda koobkan difaacanaysa ee Barcelona, Real Madrid iyo Atlético de Madrid.
Labo kooxood ayaana ka soo jeeda Waddanka Jarmalka waana Bayern München iyo Wolfsburg., iyadoo halka koox ee matalaysa Waddanka Ingiriiska ay tahay kooxda Manchester City, Paris Saint-Germain ayaa ka socota Faransiiska, halka naadiga Benfica ay tartankan masuul uga tahay dalka Portugal.
Haddaba isku aadka tartankan ayaa waxa uu ka dhici doonaa magaalada Nyon ee Waddanka Switzerland, maalinta Jimcaha oo ay taariikhdu ku beegan tahay 18-ka Maarso saacadda geeska Afrika marka ay tahay 1:00 duhunimo.
Lugta hore ee rubuc-dhamaadka Champions League ayaa la ciyaari doonaa 5 iyo 6 bisha April, halka lugta labaadna la ciyaari doono 12 iyo 13 isla bisha April.
Kulanka final-ka Champions League ayaana ka dhici doona garoonka San Siro ee magaalada Milan, maalin Sabti ah oo ay taariikhdu tahay 28 bisha May.
Halkaan hoose ka eeg magacyada siddeeda kooxood ee isugu soo haray rubuc-dhamaadka Champions League:-
Atlético de Madrid (ESP)
Barcelona (ESP)
Bayern München (GER)
Benfica (POR)
Manchester City (ENG)
Paris Saint-Germain (FRA)
Real Madrid (ESP)
Wolfsburg (GER)
Gool FM.