(Paris) 17 Okt 2022. Waxaa caawa lagu madalsan yahay xafladda weyn ee lagu bixinayo abaal-marinta Ballon d’Or 2022 iyadoo xiddiga ugu badan ee leysku raacay in abaal-marinta caawa uu ku guuleysan doono uu yahay weeraryahanka Real Madrid iyo xulka qaranka France ee Karim Benzema.
Benzema ayaa kooxdiisa Real Madrid ku hoggaamiyay inay ku guuleysato horyaalka Spain iyo tartanka Champions League xilli ciyaareedkii hore, waxaana sidoo kale loo caleemo saaray gooldhaliyaha ugu sarreeya labada tartan.
Abaal-marinta Kopa Trophy
Abaal-marinta da’yarka sanadka ee Kopa Trophy ee sanadihii ugu dambeeyay lasoo kordhiyay ayay ugu cad cad yihiin labada da’yar ee Eduardo Camavinga iyo Pablo Gavi oo u kala ciyaara kooxaha Real Madrid iyo Barcelona.
Abaal-marint Yashin Trophy
Abaal-marinta Yashin ee goolhayaha sanadka ayaa la filayaa inuu ku guuleysto goolhaayaha kooxda Real Madrid ee Thibaut Courtois, maadaama uu ka mid ahaa xiddigihii u suurogaliyay in Las Blancos ay qaadato xilli ciyaareed fiican.
Halkee ayay ka dhici doontaa xafladda?
Xafladda Ballon d’Or oo ay soo qaban-qaabiso majaladda France Football ayaa ka dhici doonta masraxa Theatre du Chatelet oo ku yaalla magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska.
Goormee ayay xafladdu bilaaban doontaa?
Saacadaha dunida ayaa kala duwan, taasoo xitaa keeneysa in qaar ka mid ah dalalka dunida gaar ahaan kuwa Asia, marka loo fiiriyo xilliga lagu balansan yahay in xafladda ay bilaabanto magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska.
Xafladdu waxay bilaaban doontaa 9:30 habeenimo xilliga Geeska Afrika
Gool FM.