(Paris) 18 Okt 2022. Laacibka kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay kaddib markii uu ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or ee ay bixiso majaladda France Football.
Magaalada Paris ee caasimadda Waddanka Faransiiska ayaa caawa lagu guddoonsiiyey Karim Benzema abaal-marinta laacibka ugu fiican kubbada cagta adduunka ee Ballon d’Or 2022.
Benzema ayaa loo caleemo saaray abaal-marinta Ballon d’Or kaddib markii uu kooxdiisa Real Madrid ku hoggaamiyay inay ku guuleysato horyaalka Spain iyo tartanka Champions League xilli ciyaareedkii hore, waxaana sidoo kale loo caleemo saaray gooldhaliyaha ugu sarreeya labada tartan.
Shabakada BBC-da ee Britain ayaa shaacisay haddala Karim Benzema, kaddib markii uu ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or, waxaana uu yiri:
“In hortayda abaal-marinta ay ka soo muuqato aad baan ugu faanayaa, markii aan yaraa waxay ahayd riyadaydii carruurnimada.”
“Weligay ma quusan, wax walba waa suurtagal, runtii aad ayaan ugu faraxsanahay safarkayga halkan, ma ahayn wax fudud, Waxa ay sidoo kale qoyskayga u ahayd wakhti adag.”
Waxaa xusid mudan in halyeygii kooxda Real Madrid iyo xulka France ee Zinedine Zidane uu ahaa shaqsigii gudoonsiiyay abaal-marinta, waxaana goobta joogay qoyska reer Benzema oo ay hoggaaminaysay hooyadii oo iyaduna masraxa soo fuushay kaddib markii uu abaal-marintan helay.
Gool FM.