(Doha) 17 Dis 2022. Xiddiga Barcelona Ousmane Dembélé ayaa qirtay in Lionel Messi oo ah halyeyga kooxda uu u sheegay markii ay ku wada sugnaayeen gobolka Catalonia inay jiraan waqtiyo in la gambiyo ku haboon, iyo daqiiqado baas ah, isla markaana uu Leo wax badan ka faa’iiday muddadaas.
Ousmane Dembélé oo ka soo muuqday shirka jaraa’id ayaa ka hadlay isku diyaarinta France ee Finalka koobka Adduunka, wuxuuna si weyn uga hadlay ixtiraamka iyo qadarinta uu u ahayo saaxiibkiisii hore ee Leo Messi, oo ay ku dagaalamayaan finalka Koobka Adduunka bari oo Axad ah.
Dembélé ayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday kahor kulanka bari ee finalka Koobka Adduunka, wuxuu yiri:
“Lionel Messi, waxaan kula qaatay Barcelona afar sano oo cajiib ah.”
“Waa ciyaaryahan aan caadi ahayn, mar walbana waxaan dhihi jiray isaga iyo Iniesta ayaa iga dhigay inaan jeclaado Barcelona.”
“Waxa uu ahaa qof aad u fudud oo deggan oo carruurta aad u caawiya.”
“Talooyin badan ayuu isiiyay, axadana wax walba waan sameyn doonaa si uu kubada u taabto sida ugu macquulsan sababtoo ah aad ayuu halis u yahay.”
Mar wax laga weydiiyay Ousmane Dembélé ayaa wuxuu yiri:
“Wax badan ayaan jeclaan inaan gabmbiyo xitaa haddii aan haysto seddex ciyaaryahan oo iga horreeya, laakiin wuxuu ii sheegi jiray inaan is dejiyo oo aan doorto waqtiga saxda ah ee taasi la sameyn karo, Iyo in ay jiraan daqiiqado la gambin karo iyo daqiiqado ku haboon in kubadda la baaso, waxyaabahaas oo dhan waxay i siisay xasillooni sidan oo kale ah.”
Gool FM.