Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

RASMI: Benzema oo ku dhawaaqay inuu isaga fariistay ciyaaraha caalamiga ah ee France

$
0
0

(Doha) 19 Dis 2022. Weeraryahanka Real Madrid ee Karim Benzema ayaa ku dhawaaqay inuu isaga fariistay ciyaaraha caalamiga ah ee France, saacado kaddib markii xulkiisa uu ku guuldarreystay Koobka Adduunka 2022 ee Qatar.

Xulka Argantina ayaa loo caleemo saaray Koobka Adduunka 2022 kaddib markii ay rigoorayaal 4-2 ah kaga qaadeen dhigooda France, ciyaar leysku daalay oo ku dhammaatay barbardhac 3-3 ah.

Benzema ayaa dhaawac ku seegay kulamadii France ee koobkii aduunka ee ka dhacay Qatar inkasta oo uu liiska ku jiray oo uu wakhti kasta ka qayb qaadan karayay laakiin tababare Didier Deschamps ayaa door biday in aanu isku hallayn inkasta oo uu bilihii la soo dhaafay xaalad fiican kaga sugnaa Los Blancos.

Karim Benzema ayaa boggogiisa rasmiga ah baraha bulshada ee Facebook, iyo Twitter-ka, wuxuu ku soo qoray farriin uu ku shaaciyay inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah, wuxuuna yiri:

“Waan sameeyay intii karaankeyga ah, inkastoo ay jiraan qaladaadyo, waan ku faanayaa waxa aan gaaray maanta, waxaan qoray sheekadayda, sheekadeeniina waxay gaartay heerkii ugu dambeeyay.”

Si kastaba ha ahaatee, Karim Benzema ayaa ku guuleystay inuu dhaliyo 37 gool oo caalami ah 97 kulan oo uu saftay, isagoo noqday laacibkii shanaad ee ugu goolasha badan taariikhda xulka qaranka France.

Waxaana ku dhawaaqista ku guulaysta abaal-marinta Ballon d’Or ee xiddiga adduunka ugu fiican ay ku soo beegantay isaga oo jirsaday 35 sano, wuxuuna soo gabagabeeyay sheekadii ka soo bilaabatay matalaada xulka France 2007, iyadoo la og yahay in laga saaray inuu matalo xulka muddo 6 sano ah, inta u dhaxaysa 2015 ilaa 2021 sababtoo ah kiiskii caanka ahaa ee Mathieu Valbuena.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles