(Paris) 20 Dis 2022. Kumanaan faransiis ah ayaa isugu soo baxay fiidnimadii xalay ee isniin ahayd fagaaraha “La Concordia” ee magaalada Paris, si ay u soo dhaweeyaan wiilasha xulka qaranka France, inkastoo Argentina ay rigoorayaal kaga badisay finalka koobka aduunka ee Qatar 2022.
Isla markii ay ka soo laabteen dalka Qatar, ciyaartoyda Faransiiska waxay raaceen bas ka soo qaaday bartamaha caasimadda, si ay taageerayaashooda uga soo salaamaan balakoonka Hotelka caanka ah ee Crillon.
Taageerayaasha oo soo buux dhaafiyay garoonka ayaa si weyn u soo dhaweeyay wiilasha xulka qaranka France oo bandhig fiican ka sameeyay koobka adduunka 2022 ee Qatar.
Dadweynihii ka soo qeyb galay kulanka soo dhaweynta ayaa si weyn ugu qeylinayay, gaar ahaan magaca tababare Didier Deschamps, iyo sidoo kale xiddiga weyn ee xulka qaranka France ee Kylian Mbappé.
Mid ka mid ah taageerayaasha oo labo saacadood ku sugayay fagaaraha soo dhaweynta ciyaartoyda ayaa yiri:
“Waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed heer sarre ah, waxay u qalmeen inay guuleystaan, laakiin nasiib daro nasiib uma yeelan.”
SAWIRRO:
Gool FM.