(Manchester) 21 Dis 2022. Xiddiga reer Norway iyo kooxda Manchester City ee Erling Haaland ayaa ka hadlay isbar-bardhiga isaga iyo Kylian Mbappé.
Isbar-bardhiga joogtada ah ee labadan xiddig ayaa u muuqda mid la mid ah isbar-bardhigga Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi sannadihii la soo dhaafay.
Sida ay tilmaamayaan mucaashiqiinta kubadda cagta in tobanka sano ee soo socda uu noqon doono tobankii sano ee Haaland iyo Mbappe, sida 16-kii sano uu ugu koobnaa loolanka Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.
Haaland ayaa kaddib wareysi uu ku bixiyay shabakadda Norway ee Viaplay, wuxuu ku sheegay:
“Tartan na dhexyaala aniga iyo Mbappe, sida Ronaldo iyo Messi? Waxaa laga yaabaa inay tahay wax wanaagsan, Cristiano iyo Leo ayaa midba midka kale hore u riixayay oo dhiirogaliyay, Barcelona vs Real Madrid, waa tartanka ugu fiican.”
Xiddiga reer Norway iyo kooxda Manchester City ee Erling Haaland ayaa wuxuu hadalkiisa intaas ku daray:
“Si kastaba ha ahaatee, ma jecli in qof kale la ila bar-bardhigo.”
Gool FM.