Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Maxaa looga hadlay shirarkii Jaraa’id ay xalay wada qabteen Barcelona iyo PSG???

$
0
0

DFnQHa7WsAAQL-o

(America) 26 Luulyo 2017. Waxaa isku aaday oo waqtiyo isku dhow noqday shirarkii Jaraa’id ay xalay qabanayeen kooxaha Barcelona iyo PSG taa oo qofkasta oo suuqa la socda dabcan dareen galisay.

Wuxuu ruux kasta u heystay in looga hadli doono arrinta Neymar oo ay kooxda reer France dooneyso inay kula wareegto adduun dhan 195 milyan oo bound halka qaar kalena ay u heysteen in looga hadli doono sheekada Marco Verratti la xiriirineysa Barcelona.

Laakiin midkoodna loogama hadlin qiyaas fikradeedkii uu qof kasta mala awaalayay:

Shirka Jaraa’id ee PSG waxaa shir guddoominayay tababare Emery iyo Endison Cavani:

Waxaana ka mid ahaa waxyaabihii ay uga hadleen:

“Neymar? Waa inaan ka hadalnaa waajibaadkeena waqti xaadirka, waxaa jira waqtiyo laga hadlo shaxda iyo diyaargarowga, iminka ma ahan waqtigaa,” Tababaraha 45 jirka ayaa sidaa yiri.

“Waqti xaadirkan ujeedka kaliya aan leenahay waa inaan isku diyaarinaa kulanka sabtida.

“Waxaan oronayaa oo kaliya in kooxda ay si fiican u shaqeynayso isla markaana ay si fiican u sii shaqeyn doonto si ay u qaadato kal ciyaareed wayn.”.

 Edinson Cavani oo shirka ka hadlay ayaa isna yiri:

“Waxaan ka hadlaynaa ciyaaryahan wayn qofkasta ayaana jecel inuu la ciyaaro ciyaartoyda waa wayn.

“Taasi waa sheekada ku aadan suuqa kala iibsiga, tan iyo sidaan halkan u imidna saaxiibadeyda kooxda ayaa ah kuwa ugu fiican.

“Haddii uu ciyaaryahan cusub yimaado, waa la soo dhaweyn doonaa.”.

Dhanka kale Gerrard Pique oo ka hadlay shirka Barcelona ayaa fasiraad ka bixiyay sawirkii dooda dhaliyay ee isaga iyo Neymar kaa oo uu ku xaqiijiyay inuu laacibka la sii joogi doono kooxda.

“Waxay ahayd uun fikir shaqsi ahaaneed.

“Ma ahan howl aniga ii taala inaan iraahdo haddii uu joogayo ama tagayo, midka go’aankaas gaarayo waa isaga, laakiin waxaan rajeynayaa inuu joogi doono.

“Rabitaankeyga waa inuu kooxda la joogo Neymar taasina waa sababta aan sawirka u soo saaray.

“Ma jirto meel naga fiican uu aadi lahaa waxaana isku daynay inaan isaga ku qancino midaa.

“Sikastaba, waan fahmi doonaa haddii uu aado koox kale haddii waxa uu doonaya ay tahay inuu noqdo hogaamiye.”.

Waxaa isku kaa soo duway: Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare).

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles