(Paris) 24 Luulyo 2017 Kooxda PSG ayaa niyad jabisay laacibka xulka Chile iyo Arsenal ee Alexis Sanchez kadib wadahadalo socday isbuucyadii u danbeeyay.
Wakiilada Alexis Sanchez iyo maamulka PSG ayaa kulmay dhawr jeer, laakiin kooxda reer France ayaa go’aansatay inay isaga baxdo wadahadalada sida lagu daabacay Le Parisien.
Wargayska oo daaha ka qaaday sababaha ku kalifay PSG inay ka baxdo wadahadaladii Alexis Sanchez ayaa sheegay in sababta ugu horaysa ay tahay Sanchez oo dalbanaya mushaar badan kaas oo ku adag PSG inay bixiso.
Sababta labaad ayaa ah kooxda Arsenal oo gabi ahaanba diiday inay wadahadal la furto PSG kaas oo ku aadan iibka Alexis Sanchez maadama kooxda tababare Wenger aysan diyaar u ahayn inay iska iibiso xiddigeeda.
Maamulka PSG ayaana haatan xooga isugu geynaya saxiixa laacibka Barcelona ee Neymar, kadib markii lagu adkeeyay saxiixa Alexis Sanchez.
Gool FM