(Barcelona) 06 Agoosto 2017 Kooxda Barcelona ayaa ku soo biirtay tartanka saxiixa laacibka Monaco ee Thomas Lemar.
Mirror ayaa baahisay in Barcelona ay haatan qayb ka tahay kooxaha doonaya 21 jirka reer France ee Thomas Lemar.
Laacib kaan ayaa ah bartilmaameedka koowaad ee tababare Arsene Wenger, waxaana xusid mudan in Monaco ay soo diiday laba dalab oo Arsenal ay ka soo gudbisay Lemar.
Barcelona ayaa suuqa la soo gashay lacagtii ay ka heshay heshiis burburintii Neymar, waxaana diirada u saaran ciyaartoy uu ka mid yahay Thomas Lemar.
Arsenal ayaa loo sheegay inay miiska saarto lacag dhan 50 milyan oo Ginni si looga iibiyo Thomas Lemar.
Gool FM