(Europe) 22 Okt 2017. Usbuucyo yar ka hor, PSG ayaa la tacaashay isku dhac dhex maray labadeeda xiddig ee Cavani iyo Neymar, iminkana waxay u muuqataa in wiilka reer Brazil ay luqunta isku galeen tababarihiisa Unai Emery.
Kaddib tababar yar ay sameysay kooxda kulankii Champions League kaddib, Neymar ayaa doonay inuu sii wato tababarka si uu ula sii ciyaaro ciyaartoyda kooxda labaad.
Yeelkeede, tababare Emery ayaa ka biyo diiday dalabka Neymar.
Sida ay sheegeyso jariiradda afka dheer ee ka soo baxda Faransiiska L’Equipe in laacibka ugu qaalinsan kubbada cagta adduunka uu si caro leh kubbada ugu dhuftay darbiga isagoo waliba hor taagan tababare Unai Emery iyo waliba ciyaartoyda kooxda ka hor inta uusan u jiheysan dhanka qolka dhar badelashada.
Dagaalkan cusub ayaa si wayn looga hadal hayaa Faransiiska iyadoo is qab qabsiga macallinka iyo laacibkiisa ee ka dhashay is fahan waaga uu gebi ahaan cuuriyaamiyay is diyaarintii PSG ee kulanka Marseille.
Gool FM.