(Munich) 17 Dis 2017 Madaxwaynaha Bayern Munich ee Uli Hoeness oo ka hadlay suuqa kala iibsiga ayaa sheegay in kooxdiisu aysan iska dhigi karin PSG.
Kooxda reer France ayaa samaysay saxiixii abid ugu qaalisanaa adduunka suuqii xaggaaga markaas oo ay la soo wareegtay Neymar.
Sidoo kale kooxda ayaa 180 milyan oo xaggaaga 2018 ay bixin doonto ku soo qaadatay Kylian Mbappe.
Uli Hoeness ayaa sheegay in ugu badnaan kooxdiisu ay qarash garayn doonto lacag dhan 70 milyan oo euro.
“Ma samayn karno saxiixyo lamid ah Neymar oo 222 milyan ah iyo Mbappe oo 180 milyan ah” ayuu yiri Uli Hoeness oo la hadlay Sport1.
“Laakiin haddii aan u aragno inay baahi jirto waxaan haysanaa lacag dhan 50, 60 ilaa 70 milyan oo euro”.
Gool FM