(Paris) 19 Dis 2017 Agaasimaha ciyaaraha kooxda PSG ee Antero Henrique ayaa ka hadlay wararka Neymar la xiriirinaya Real Madrid.
Antero Henrique ayaa sheegay in Neymar uu ku faraxsanyahay joogi taankiisa PSG isla markaana aysan jirin meel uu ka aadayo kooxdiisa.
Warar ka soo baxay dalka Spain ayaa sheegay in Neymar uu u sheegay asxaabtiisa PSG inuu ku biirayo Real Madrid dhamaadka xiliciyaareed kaan.
Antero Henrique oo waraysi gaar ah siiyay Le Parisien ayaa yiri:
“Hadalkaas waa mid aan run ahayn, Neymar kama tagayo kooxda, waayo halkaan ayuu ku faraxsanyahay, kooxdaan ayuu jecelyahay”.
“Arinku ma ahan mid xiriir la leh lacag, Neymar waa laacib leh hami sare, haddii aan nahay PSG waxaan siinaynaa fursad uu ku soo bandhigo hamigiisa”.
Gool FM