(Madrid) 17 Feb 2018 Tababaraha kooxda Bayern Munich ee Jupp Heynckes ayaa ka hadlay wixii uu ku arkay kulankii Real Madrid iyo PSG.
Jupp Heynckes ayaa sheegay in saxaafada iyo falanqeeyayaashu aysan si sax ah uga hadlin wixii ka dhacay ciyaarta, balse sida caadada ah uun la faaniyay kooxdii guusha qaadatay.
Wuxuu cadeeyay in PSG ay ka gacan saraysay Real Madrid ilaa 83-daqiiqo, wuxuuna sheegay in Ronaldo nasiibku uu iska watay ee wax gooni ah uusan ka qaban ciyaarta.
“Mararka qaar waa layaab inaad dhagaysato khuburada falanqeynaya kulamada, sida caadada ah waxay amaanaan marwalba guulaystaha” ayuu yiri tababare Jupp Heynckes.
“Anigu waan ka ra’yi duwanahay, waxaan rumaysanahay in PSG ay sifiican u ciyaartay ilaa 83-daqiiqo, taatiko fiican ayeey ku ciyaarayeen, iyaga ayaana ka fiicnaa Real Madrid, laakiin uma suurogalin inay qaab ciyaareed kaas sii wadaan 10-daqiiqo oo kale”.
“Dabcan Ronaldo wuxuu leeyahay xirfad aan caadi ahayn, laakiin duruuf fiican ayuu helay, nasiibka ayaa la saftay dhiniciisa, waqtiyada qaar wuxuu gool ku dhalinayaa jilibkiisa, calooshiisa ama qaab kale”.
Gool FM