(Paris) 17 Feb 2018 Kooxda reer France ee PSG ayaa go’aansatay inay racfaan ka qaadato jaalihii loo taagay Adrien Rabiot kulankii Real Madrid.
PSG ayaa racfaankeeda u gudbisay xiriirka kubadda cagta yurub ee UEFA, si Adrien Rabiot looga tirtiro jaalihii la siiyay kulankii Real Madrid sida ay baahisay L’Equipe.
Adrien Rabiot ayaa jaale loo taagay qaybtii labaad ee ciyaarta kadib qalad uu ku galay Luka Modric, PSG ayaana u aragta in qaladkaas uusan u qalmin in lagu bixiyo digniin.
PSG ayaa warbixinta ay u gudbisay UEFA ku sheegtay in Adrien Rabiot uusan taaban Modric balse xiddiga Real Madrid uu iska gaday garsooraha kadib markii uu si ka badbadis ah u sameeyay jiliin aan caadi ahayn taas oo keentay in garsooruhu uu si toos ah digniin ugu taago laacibka reer France.
UEFA ayaa fiirin doonta racfaanka PSG khamiista soo socota, waxaana loo badinayaa in Uefa ay soo diidi doonto racfaanka PSG.
Gool FM