(Paris) 13 Abriil 2016 Weerar yahanka xulka qaranka Faransiiska ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuusan ka soo muuqan doonin koobka qaramada qaarada yurub ee bisha 6-aad lagu qaban doono France.
Xiriirka kubadda cagta Faransiiska ayaa go’aansaday in Karim Benzema uusan ka soo muuqan xulka qaranka koobka qaramada qaarada yurub ee 2016 kadib anshax xumadii uu kula kacay saaxiibkiis Valbuena.
Karim Benzema ayaa Bogiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ku soo qoray:
“Nasiib xumadayda awgeed iyo dhamaan intii igarabtaagnayd oo i caawinaysay marwalba, ma ciyaari doono Euro France”.
Malheureusement pour moi et pour tous ceux qui m’ont toujours soutenu et supporté. Je ne serai pas sélectionné pour notre Euro en France…
— Karim Benzema (@Benzema) April 13, 2016
Arinkaan ayeey taageerayaal badan oo xulka France ah ka naxeen maadama Karim Benzema uu haatan ku jiro mid kamid ah xiliciyaareedyadiisii ugu fiicnaa.
Gool FM