(Rio de Janeiro) 03 Maarso 2018 Xiddiga kooxda PSG iyo xulka Brazil ee Neymar ayaa gaaray Isbitaalka uu ku mari doono qaliinka, kadib dhaawicii soo gaaray.
Kooxdiisa PSG iyo xiriirka kubadda cagta Brazil ayaa isku af gartay in laacibku uu maro qaliin kadib tarar ka galay anqowga, dhaqaatiirta ayaana isku raacay in qaliin uu lagama maarmaan yahay.
Neymar oo ay la socdaan hooyadiis iyo aabihiis ayaa gaaray isbitaalka uu ku mari doono qaliinka oo ah isbitaal ku yaala dalkiisa Brazil gaar ahaan magaalada Rio de Janeiro.
Intabadan saxaafada ka hadasha arimaha ciyaaraha ayaa buux dhaafiyay banaanka Isbitaalka, si ay u helaan akhbaarta laacibka.
Warar aan helnay goor dhaw ayaa sheegaya in Neymar haatan uu ku jiro qolka qaliinka isla markaana howsha qaliinkiisu ay socoto.
Gool FM