(Paris) 18 Maarso 2018 Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa u gudbiyay maamulka kooxdiisa PSG hal shardi oo uu ku sii joogi karo caasimada faransiiska.
The Times ayaa baahisay in Neymar uu waydiistay kooxdiisa in loo kordhiyo mushaarka si uu u sii joogo isla markaana uusan ugu biirin kooxda Real Madrid.
Neymar ayaa haatan ka qaata PSG 750 kun oo Euro isbuucii, wuxuuna waydiistay kooxdiisa in la gaarsiiyo ilaa 1.3 milyan oo euro isbuucii si uu maankiisa uga saaro ka tagista PSG.
Laakiin PSG ayaa beenisay warka ay faafisay The Times, waxayna sheegtay kooxda reer France in marnaba Neymar uusan waydiisan in loo kordhiyo mushaarka sida ay baahisay L’Equipe oo ah wargays xiriir dhaw la leh kooxda reer France.
Wargayska ayaa intaa ku daray in wadahadaladii dhex maray aabaha dhalay laacibka iyo milkiilaha PSG in aan lagu soo hadal qaadin wax xiriir la leh mushaar kordhin.
Neymar ayaa haatan xooga saaraya sidii uu uga soo kaban lahaa dhaawaca isla markaana markale uu uga soo muuqan lahaa garoomada kubadda cagta sida lagu sheegay warbixinta wargayska L’Equipe.
Gool FM