(Madrid) 25 Maarso 2018 Real Madrid ayaa si wayn u doonaysa dhamaystirka saxiixa laacibka ugu qaalisan adduunka ee Neymar.
Waxaa la baahiyay in madaxwaynaha Real Madrid uu Brazil kula kulmay Neymar isla markaana laacibka PSG uu codsaday in kooxda laga diro tababare Zidane.
Sidoo kale, wuxuu codsaday in kooxda la keeno tababaraha xulka qaranka Germany ee Joachim Low si markaas uu u aqbalo dalabka Real Madrid.
Warbaahinta dalka France ee Telefoot ayaa daaha ka qaaday in dhamaan wararkaas ay yihiin kuwo ka fog xaqiiqda isla markaana laacibku uusan dalban in Real Madrid laga diro tababare Zidane.
Waxaa kale oo la beeniyay in Florentino Perez uu Neymar iyo wakiiladiisa ku la kulmay dalka Brazil taas oo ka dhigan in dhamaan wixii la faafiyay ay ahaayeen akhbaar aan sal loo hayn.
Telefoot ayaa intaa ku dartay in Neymar uusan diyaar u ahayn inuu ka tago PSG dhamaadka xiliciyaareed kaan.
Gool FM