(France Ligue 1) 19 Abriil 2018. Macalinka kooxda Paris St Germain Unai Emery ayaa shaaciyay inuusan la xiriirin Neymar Jr isbuucyadii lasoo dhaafay, wuxuuna hadalkiisan imaanayaa xili ay xaqiijiyeen ku guuleysigooda horyaalka dalka Faransiiska.
Unai Emery iyo wiilashiisa ayay u suuragashay inay si rasmi ah u xaqiijiyaan koobka horyaalka France Ligue 1, kadib markii ay 7-1 ku xasuuqeen kooxda Monaco.
Neymar Jr ayaa ilaa iyo haatan ku maqan dalka Brazil kadib markii uu halkaas ku maray qaliin dhanka canqawga ah, waxaana la filayaa inuu kala qeyb gali doono xulkiisa qaranka Brazil koobka aduunka soo aadan ee ka dhici doono dalka Russia.
Macalinka kooxda PSG Unai Emery oo ka hadlayay Neymar Jr ayaa yiri: “Waxaan ula xiriiray laba ama saddex isbuuc kahor, si aan u gaado xiliga uu dib kooxda ugu soo laabanayo”.
“Waxay si joogta ah u xiriiraan ciyaartodya kooxda, maamulka iyo xitaa aniga, xiriirka igaala dhexeeya isaga waa mid aad u wanaagsan, wuxuu diirada saarayaa xulkiisa iyo kooxda, wuxuu ka shaqeenayaa sida uu kaga soo kaban lahaa dhaawaca uu qabo’.
“Neymar wuxuu doonayaa inuu dib u soo laabto kahor dhamaadka xili ciyaareedka, si uu ugu yaraan u ciyaaro hal kulan, waa isda uu ii sheegay”.
“Sida ay ila tahay wuxuu xiiseenayaa inuu kusii sugnaado PSG, wuxuu doonayaa inuu gaaro ujeedooyinkii uu halkan u yimid si uu u sameeyo taariikh, wuxuu kala hadlay bilawga xili ciyaareedka madaxweynaha iyo aniga, waana ka dhabeyn doonaa”.