Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Warar is qilaafsan oo ka soo baxaya heshiiska Liverpool iyo Nabil Fekir

$
0
0

(Liverpool) 06 Maajo 2018 Waxaa si xowli ah warbaahinta ciyaaraha loogu baahiyay heshiis dhex maray kooxda Liverpool iyo xiddiga Lyon ee Nabil Fekir.

Idaacada RMC qaybteeda ciyaaraha ayaa lagu baahiyay in Liverpool ay heshiis la gaartay Nabil Fekir kaas oo ay kula wareegayso lacag dhan 70 milyan oo euro oo u dhiganta lacag kor u dhaafaysa 60 milyan oo Pound.

Image result for nabil fekir Liverpool

Laakiin madaxwaynaha kooxda Lyon ayaa beeniyay wararkaas, wuxuuna sheegay inuusan jirin xiriir uga yimid Liverpool oo lagu doonayo Nabil Fekir.

Madaxwaynaha kooxda Lyon oo ka hadlay wararka Nabil Fekir iyo Liverpool ayaa yiri:

“Ma jiro xiriir maanta nooga yimid kooxda Liverpool, Nabil Fekir halkaan ayuu joogaa, waxaan rajaynaynaa inaan sii haysano, si uu noogu ciyaaro Champions League xiliciyaareedka dambe”.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles