(Lyon) 07 Maajo 2018 Xiddiga kooxda Lyon ee Nabil Fekir ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya inuu heshiis la gaaray Liverpool.
Shalay galinkii dambe ayaa la faafiyay warar sheegaya in Nabil Fekir uu heshiis la gaaray Liverpool kaas oo uu ugu soo dhaqaaqayo dhamaadka xiliciyaareed kan.
Laakiin Nabil Fekir ayaa sheegay inuu maqlay oo kaliya wararka la xiriirinaya kooxda Liverpool balse uusan wax war ah ka hayn.
“Haa, waan maqlay warar suuqeedka ila xiriirinaya Liverpool, laakiin anigu haatan waxaan joogaa Lyon” ayuu yiri Nabil Fekir.
Madaxwaynaha Lyon oo dhankiisa hadlay ayaa yiri:
“Ma jiro xiriir noo dhexeeya anaga iyo Liverpool oo ku aadan Nabil Fekir, waan la yaabanahay qaabka loo faafiyay warkaas, waxaan xaqiijinayaa inuusan jirin qodob dhigaya in la burburin karo qandaraaskiisa”.
Gool FM