Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Mid Ka Mid Ag Saaxiibada Naymar Jr Oo Ka Hadlay Hal Arin Uu Neymar Jr Kaga Dhaqaaqi Karo PSG

$
0
0

(Real Madrid) 10 Maajo 2018. Wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday, xaalada ka dhigi karta in Neymar Jr oo ah weeraryahanka PSG uu ugu dhaqaaqo Real Madrid oo si xoogan lala xiriirinayo xili ciyaareedka soo aadan.

Wargeyska reer Catalonia ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in mid ka mid ah saaxiibada Neymar Jr uu sheegay: “Haddii Neymar uu ku guuleysto Koobka Aduunka 2018, kuma soo laaban doono Paris Saint-Germain”.

Mundo Deportivo ayaa sheegay in Neymar la filayo in uu go’aan rasmi ah ka gaaro mustaqbalkiisa kadib koobka aduunka ee 2018 ka dhici doono dalka Russia.

Waxaa lasoo warinayaa inuu jiro heshiis dhanka afka ah ee dhaxmaray maamulka kooxda Real Madrid iyo wakiilada laacibka xulka qaranka Brazil, si uu ug dhaqaaqo Santiago Bernabeu sanad ciyaareedka 2019.

Gool FM.

 

 

 

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles