(Liverpool) 10 Maajo 2018 Aabaha dhalay xiddiga kooxda Lyon ee Nabil Fekir ayaa ka hadlay wararka sheegaya in wiilkiisu uu heshiis la gaaray Liverpool.
Isbuucaan gudihiisa ayaa la baahiyay in Liverpool ay heshiis la gaartay Nabil Fekir kaas oo ay ku la soo wareegayso lacag dhan 60 milyan oo Ginni.
Nabil Fekir qudhiisa oo hadlay ayaa beeniyay inuu heshiis la gaaray Liverpool, haatana aabihiis ayaa ku sii daray oo beeniyay wararkaas.
“Lama filaan ayeey igu noqotay warkii ay qoreen saxaafada” ayuu yiri aabaha dhalay Nabil Fekir oo beeninayay wixii la baahiyay.
“Ma jiro heshiis uu Nabil Fekir la gaaray Liverpool, wixii la faafiyay waa wax aan sax ahayn, mana jirto in wiilkeygu uu la kulmay Jurgen Klopp”.
Gool FM