(Paris) 10 Maajo 2018 Aabaha dhalay laacibka kooxda PSG ee Neymar ayaa bilaabay wadadii wiilkiisu uu uga tagi lahaa kooxda reer France dhamaadka xiliciyaareed kaan.
Wargayska Sport ayaa baahiyay in aabaha dhalay Neymar uu la xiriiray Pini Zahavi oo ah wakiilkii ka shaqeeyay u dhaqaaqidiisa kooxda PSG xaggaagii hore.
Neymar aabihiis ayaana ka codsaday Pini Zahavi in wiilkiisa uu ka kexeeyo PSG marka uu dhamaado koobka adduunka ee lagu qabanayo Ruushka bisha dambe.
Warkaan ayaa ah mid farxad u leh Real Madrid oo in muddo ah daba joogtay saxiixa Neymar, waxaana xusid mudan in Pini Zahavi iyo madaxwaynaha Real ay saaxiibo yihiin taas oo sii fududayn karta heshiiska labada dhinac.
Gool FM