(Paris) 09 Maajo 2018. Sida wararku ay sheegayaan ciyaaryahanka kooxda kubadda cagta Manchester United ee Paul Pogba ayaa dalab ka helay naadiga Paris Saint-Germain ee Waddanka Faransiiska.
Warsidaha Daily Record ayaa warinaya in xiddiga khadka dhexe ee Manchester United, Paul Pogba wakiilkiisa Mino Raiola uu ka helay naadiga Paris Saint-Germain dalab lagu doonayo ciyaaryahankan.
Xiddiga xulka qaranka Faransiiska ayaa xilli ciyaareed dhib badan ku qaatay garoonka Old Trafford, inkastoo markii dambe ay soo baxeen warar sheegaya inuu ku faraxsan yahay ka hoos ciyaaridda macallin Jose Mourinho.
Kooxda PSG ayaa haatan miisaamaysa suurto-galnimada inay Pogba keenaan caasimadda Waddanka Faransiiska, sida la warinayana dalab aan qiimihiisa la shaacin ayey u gudbiyeen Wakiilka laacibkan.
Gool FM.